Last update 3 September 2021

Waddada shaqo helida

Bogga/barta internetkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin xiriir la leh, sida qof wax ku soo bartay dal ka baxsan dalalka Midowga Yurub iyo Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein, uu ku heli karo waddada loo maro dugsiyada, xarumaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda ee dalka Iswiidan. Xirfadaha waa tusaale kamid ah kuwa dhakhtarrada, dhakhtarrada caafimaadka ilkaha, kalkaalisada caafimaadka, macallinmada ama macallinmada dugsiga xannaanadda. Kooxaha xirfadaha noocaan leh aad ayaa looga baahan yahay, goobaha dugsiyada, isbitaallada iyo goobaha waayeellada lagu xannaanadeeyo.

Boogga internetka waxaa siiba loogu talagalay, shaqo-bixiyeyaasha iyo gacan-haayeyaasha ka hawlgala maamuullada degmooyinka iyo gobollada, kuwaasoo u baahan warbixin iyo taageero ay ku soo bandhigaan fursadda helida tababar, hagid ama shaqo ku qorida dadyoowga wax ku soo bartay dalalka dibada ku yaalaan ama khibrad shaqo ka haysto dalalkaas.

Xitaa adiga oo dal dibada ku yaallo wax ku soo bartay, waxaad bogga ka aqrisan kartaa warbixin waxtar leh, oo ku saabsan shuruudaha xiriirka la leh ku shaqaysashada xirfadda. Sida tusaale, sida lagu helo caddaymaha xirfadda ee dalka Iswiidan, kuwaasoo lagamaarmaan ah haddii aad ku talo jirto inaad xirfadaada kaga shaqaysato sida tusaale dugsiyada iyo goobaha caafimaadka lagu daryeelo. Waxaad xirfadaada ka heli kartaa oona warbixin dheertaad ka aqrisan kartaa.

Välj yrke

Af-iswiidish ayay ereyada ku qoran yihiin, laakinse filimada badidooda waxay leeyihiin fursad lagu turjummo luqooyin kala duwan. Waxaad luqadaha kale ee lagu turjumay ku heli kartaa adigoo jag-siiya calaamadda ay ku qoran tahay ”undertexter”, taasoo aad ka heleyso qarka hoos ku yaallo, kaddib dooro ”översätta automatiskt” markaas kaddib luqadda ka xulo. Tijaabi adigoo daawada filimkaan:

Bogga/barta internetkaan shaqo kama raadsan kartid. Shaqo waxaad ka raadsan kartaa bogga/barta internetka ee Xafiiska Shaqada. Warbixin dheeraad waxaad ka aqrisan kartaa.

Arbetsförmedlingen

Haddii aad u baahan tahay warbixin dheeraad, oo ku saabsan sida dalka Iswiidan looga shaqaysto iyo sida luqadda dalka Iswiidan loo barto, waxaad warbixin noocaas ka aqrisan kartaa bogga/barta internetka.

Informationsverige

Waxaa ka dambeeya Boggaan shaqo-bixiyaanshaha iswiidhan ee degmooyinka iyo gobolada (SKR), waana sideeda ururyada shaqaalaha. Ururka tacliinta SSR, fisiyoterapistiga, ururka Maclimiinta, ururka shaqaalaha dowlada hoose, ururka caafimaadka ee iswiidhan, vision iyo xirfadaha shaqaalaha iyo hay`adda AcademyAlliansen.