Last update 23 January 2024

Soomaali

Rayi ururinta Bukaan socodka Qaran waa magac guug loogu talagalay rayi ururin qaran oo soo noqnoqata oo lagu doonaya in lagu oggaado wixii bukaan socodka ay kula kulmeen adeegyada daryeelka caafimaadka ee ay heleen.

Aragtiyada bukaan socodka ee ay ka qabaan adeegyada daryeelka caafimaadku waa ilaha macluumaadka hagaajinta joogtada ah ee adeegyada daryeelka caafimaadka. Adiga markaad kaqeybqaadato Rayi ururinta Bukaan-socodka Qaran, waxaa lagu siiyay fursad aad kula wadaagto wixii aad kala kulantay iyo aragtidaada ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka ee laguu fidiyay. Natiijooyinka ka soo baxa waxaa loo isticmaali doonaa in lagu hormariyo laguna wanaajiyo adeegyada daryeelka caafimaadka marka laga eego bukaan socodka, sameysana aasaaska isbarbardhigga qaybaha daryeelka caafimaadka oo ay u noqdaan aalad dowli iyo maamul.

Rayi ururintan waxaa laga fuliyaa dhammaan wadanka oo dhan, oo sidoo kale waxaa si aan kala sooc la’hayn laguu xushay inaad kaqeybqaadato sababo la xiriira xiriirikii ugu dambeysay ee adeegyada daryeelka caafimaadka darteed.

Rayi ururinta waxaa fulinaya machadka Institutet för kvalitetsindikatorer (Indikator) kadib codsi ka yimid Ururka Swedish ee Maamulka Maxaliliga iyo Gobollada (Sveriges Kommuner och Regioner) (skr.se).

Wixii aad kula Kulantay waa muhiim

Wixii aad kulantay micno ayay noogu fadhiyaan. Sababtaas darteed, ka qayb qaadashada rayi ururinta waa muhiim. Marka ay dad badan ay ka qaybqaataan, adeegyada daryeelka caafimaadka waxaa uga soo baxa macluumaad muhiim ah, taasoo dhammaanteena na siinaysa daryeel caafimaad oo wanaagsan. Sidoo kale, kaqeybgal tiro aad u badan oo dad ah waxay keeneysaa in la helo aragti run ah iyo cadaalad ah.

Xogtaada waa la asturi doonaa

Ka qeyb qaadashada rayi ururintan waa mid iqtiyaari ama iska-wax-u-qabso ah. Ma jiri doono natiiijooyinka la soo celiyo ee adeegyada daryeelka caafimaadka lama raad raaci karo shaqsiyaadka jawaabbaha soo gudbiyay. Rayi ururintan waxaa loo fuliyay sida waafaqsan ama iyada oo la raacayo sharciga ilaalinta macluumaadka lagu dabaqi karo iyo tilmaamaha anshaxa ee hay'adda.

Haddii carruur aad haysato oona lagugu casuumay in aad ka qaybqaadato

Su'aalahaan waxaa loogu talagalay dadka kuwooda carruurtoodu dhowaan la xiriirtay adeegyada daryeelka caafimaadka. Maaddaama ilmuhu da’doodu ka hooseeyso 15 sano jir, mas’uulka ilmaha waa inuu ka soo jawaabaa su'aalaha – waxaa wanaagsan inuu ka jawaabo mar ilmaha ay la joogaan. Haddii adigu aadan joogin waqtiga ballanta, su'aalaha waa inuu ama insay soo buuxisaa qofka la socday canugga inta ballanta lagu jiray.